Skip navigation

Somali - Concurrent Enrollment

Waa maxay isqorista israacsan?

Fasallada isqorista is raacsan waa maaddooyin jaamacadeed ee dugsigaaga sare laga bixinayo. Dugsiyada sare ee gobolka oo idil ayaa la shirkoobay kulliyadaha iyo jaamacadaha Minnesota si waxaan ay u bixiyaan. Sida badan waxaa loo yaqaannaa Kulliyadda laga bixinayo Dugsiyada. Fasalllada waxaa dhigaya barayaal dugsiyada sare ee tababaran ama barayaal jaamacadeed. Fasallada badankood kafool kafool ayaa lagu qataa, qaarkoodna internetka ayaa laga bixiyaa. Kuwa kalena labadooda ayey wada bixiyaan.

Maxay yihiin faaidada isqorista isku waqtiga ay leedahay?

Bacdamaa ay lacag-la’aan tahay, waxaad ku baajinaysaa lacag iyo waqti si aad shahaadadaada ku mutaysato. Baaritaanka waxay kaloo muujinayaan in ardada maaddooyinka kulliyadda dugsiga sare ku qaata inta ay wali dhiganayaan dugsiga sare ay qalanjabiyaan ayagoo ay u badantahay inay shaahada kulliyadda affar sanadood ku mutaysanaya. Taas waa wax muhiim ah. Sanad kasta ee siyaada kuugu ah dhigashada jaamacadda kharash lacag badan ah ayaa kaaga baxaya. Waxaa kaloo aad ku dhammeyn kartaa shahaadada xirfadda si lacag-la’aan ah.

Isqorista isku waqtiga waxay kaloo badinaysa caddadka maaddooyinka dugsiga sare laga bixinayo. Marka aad si guul leh fasalladaan uga gudubto, waxaad mutaysanaysaa maddooyinka qaddarinta dugsiga sare iyo kuwa jaamacaddaba. Waxay kaloo ku siinaysaa fursad maddooyinka aad ku ogaato heerar aad u sarreya.

Yaa qaadan kara isqorista isku waqtiga?

Dugsigaaga sare waxuu shuruud ahaan kuugu xiri karaa darajo dhex-dhexaad hoose ee qanciso ama fasalalda qaarkood aad qaadato kahor inta maaddooyinka isqorista israacsan aadan qaadan. Haddii ay fasallada caadiga kugu adag yihiin, maddooyinka isqorista israacsan way kugu sii adkaan doonaan. Balse ha iska dhaadhicin in aadan qaadan karin. Lataliyaha dugsigaaga la xariir si aad ku ogaatid haddii aad mudnaansho u leedahay.

Sideen ku qaadan karaa isqorista israacsan?

Isqorista is raacsan dugsiyad sare ayaa si toosa looga bixiyaa. Lataliyaha dugsigaaga sare la xariir si aad ku ogaatid haddii mid dugsigaaga laga bixiyo.

Sidee ku heli karaa darajada kulliyadda?

Waxaad helaysaa qorallada fasallada kulliyadda ama jaamacadda aad ka qaadatay ee bah wadaag  dugsigaaga la ah. Tani waxay fursandkuu siinaysaa maaddada qaddarinta in aad jaamacad kale ku wereejiso. Dhamaan kulliyadaha iyo jaamacadaha iyo kuwa gaarka loo leeyahay qaarkood ee Minnesota waxay aqbalanayaan maaddada darajada lagaga mutaystay isqorista waafaqsan. Dugsiyo guud iyo kuwa gaar loo leeyahay oo badan ee gobollo kale sidoo kale ayay sameeyaan.

Xasuuso in kulliyaduhu ay xeeraraka ku kala duwanyihiin. Horay uga sii tabaabushayso. Haddii aad dhibaato kala kulanto uruurinta ama fahmidda macluumaadka, lataliyaha dugsigaaga caawimaad weydiiso.

Intee la egtahay tirada ardada Minnesota ee isqorista isracsan qaata?

Wax ka badan 20,000 ee ardada Minnesota ayaa maadooyinka isqorista isku waqiga sanad kasta qaata.

Waa imisa kharashka ku baxaya?

Ardada Minnesota wax kharash ma bixinayaan.

Xaggee ka heli karaa macluumaad dheerada ee isqorista israacsan ku saabsan?

Lataliyaha dugsigaaga kala hadal. Waxaad kaloo macluumaad waxtar leh ee Jaamacadda laga dhigo Dugsiga ka heli kartaa Jaamacadda Minnesota, Twin Cities:

 
  • Copyright 2012
  • Minnesota Department of Education