Skip navigation

Somali - Advanced Placement

Waa maxay Meelaynta Sare (AP)?

“Meelaynta Sare” (AP) waa barnaamij maadddooyin heer jamaacadeed ah ee dugsiyo badan ee sare laga bixiyo. Waxbarashada waxaa lagu diyaariyay maaddooyiin qaybo badan ka koobaan, ay ku jiraan ingiriiska, taariikhda, barashaada aadaabta aadanaha, luqadda, xisaabta, cilmi nafsiga iyo sayniska. Bartilmaanta maaha xafididda dhacdooyinka iyo tirada Bartilmaanta ayaa in la is-dhexgalo,
dhinacyo badan laga eego iyo si wadajir lagu xalliyo dhibaatooyinka jira iyo lagu baranayo in si fiican waxa loo qoro. Waxa aad heli doontaa fursad fiican ee maaddooyin iyo firkrado cajiiba ah lagu baranayo. Yaa sheegi kara? Hal (ama dhowr) ayaa dhici karta in ay noqdaan aasaaska aad mustaqbal dambe jaamacadda ka qaadato ama xirfad kuu noqota.

Maxay kala yihiin waxtarka qaadashada maadooyinka AP laga helayo?

Maaddooyinka AP waxa ay kaa caawin karaan xirfadaha iyo habka waxbarashada wanaagsan in aad ku hanato kuwaaso noqon doona kuwa loo baahanyahay si aad jaamacadda guul uga gaarto. Waxa aad sare u qaadaysaa xirfadaha qoristaada, xallinta mashaakilaadka,maareynta xirfadaha waqtiga, iyo barashada sida aad uga taxadartu shaqadaada iyo hadafyadaada. Cilmibaarista waxay muujinaysaan in maaddooyinka AP ay ardada ka caawiyaan qaalinjabinta muddo affar sano iyo mudnaanshaha waxbarashada heer sare ee kharashka lagaa bixinayo.

Maddooyinka AP waxay kaloo kaa caawin karaan sidii jaamacadda oggolaasho lagaaga heli lahaa. Waa waxa aanu looga hadlayn sida qaadashada fasallada fudud iyo “A” lagu mutaysanayo oo ay u badantahay sida aad kulliyadda u muujain lahayd in aad maaddoyinka adag qaadato, xitaa haddii taasi ay sababi karto in hoos-udhaca cel-celiaas ee heerkaaga darajada. Tani waxay sababaysaa in aad si cad ugu muuqato qaabka gelitaanka lagu gelayo. Waxay kaloo muujinaysaa in aad qaadayso tallaabooyinka aad shaqsi ahaantaada isugu diyaarinayso hawlaha heer kulliyadda.

Yaa qadan kara maaddooyinka AP?

Dugsigaaga sare waxa uu kugu xiri karaa in aad yeelato heerka darajada dhexdhexaadka aan laga hoos mari karin ama aad fasallada qaarkood qaadatay kahor inta aan laguu oggolaan in aad maaddooyinka AP qaadato. Haddana ha iska dhadhicinin in aadan maaddooyinka AP diyaar u ahayn. Barayaashaada ama lataliyahaaga dugsiga sare kala tasho maddooyinka kugu habboon in aad qaadato.

Sideen u qaadanayaa maaddooyinka AP?

Ardada badankood waxa ay qaataan maaddooyika AP ee toos looga bixiyo dugsigooda sare. lataliyaha dugsigaaga la tasho si aad ku ogaatid haddii uu dugsigaaga uu bixiyo.

Imtixaamka AP ma qaadan karaa ayadoo maaddooyinka la qaadan?

Haa. Arday kasta imtixaamka waa u qaadan karaa. Maadooyinka waxbarashada Ap la iskama doonayo,, laakin waxay kugu caawinaysaa in aad imtixaamka isku soo diyaariso. Dugsiyo sare ee kale ama fasallada aqoonta sare leh ama in aad iskaa iska xilsaartid waxbarashada waa ugu diyaargaroobi kartaa.

Sideen maaddada qaddarinta kulliyadda u mutasayn karaa?

Fasallda AP laguma mutaysto maaddada qaddarinta dugsiga sare oo keliya. Waxaa kale ee aad ku mutaysan kartaa maaddada qaddarinta kulliyadda haddii aad imtixaamka AP qaadato dhammaadka fasalaka IYO aad mutaysato ugu yaraan saddex (3) caddad u dhaxeeya hal (1) ilaa shan (5). Kulliyadaha iyo jaamacadaha waxa ay tixgalinayaa natiijada saddex (3) in uu bartilmaan u yahay sida aad waxqabad guul sare leh uga samayso hawsha kulliyadda.

Kulliyadda waxay aqoonsanayaan maaddo qaddarin ah ama mudnaasho heer sare. “Mudnaasho heer” sare macnaheeda waxay tahay in lagaa dhafaayo fasallo heer hoosaad ah kuwaaso shardi ah in ay ardada bilowga laga rabo in ay qaataan. Kulliyadaha qaarkood ayaa dhici karta in LABADABA ku guddoonsiiyaan! Marka waxaan oo idil maxay yihiin macnahoodu? Haddii la fududeeyo: waxad fursad u yeelan doontaa in aad heerka maaddooyinka sare aad waqti gaaban ku gaarto. Tan waxay kuu baajinaysaa lacag iyo waqti. Waxay kaloo fursad kuu siinaysaa in aad labajibbarto takhasuuska ama xitaa dibadda waxbarasho u aaddo.

Waa in aad natiijooyinkaaga AP aad u dirto kulliyad kasta in mid waliba uga baarandagto haddii aad u qalantid in lagu siiyo. Jaamacadaha affarta sanadood ee Maraykanka badankood iyo kulliyadaha dalal 60 kor u dhaafaya, natiijooyinka AP ayay aqbalayaan. 2011, ku dhowaad 3,300 kulliyaadood iyo jamacado waxay ardada ka qaabileen natiijooyinka AP. Laakiin waxa aad xasuusataa in ay xeerka kulliyad waliba kaga duwantahay midda kale. Daraasaddaada waqti habboon samayso.Waxa aad isticmaashaa xariirrada hoose si aad ku hesho xeerarka AP ee dugsiyada Maraykanka iyo kuwa Caalamka.

Haddii ay kugu adkaatay sida aad macluumaadka ku heli lahayd ama ku fahmi lahayd, waxaad caawimo weydisataa lataliyahaaga dugsiga.

Intee la egtahay tirada ardada Minnesota ee imtixaamada AP qaata?

Tirade ardada Minnesota ee imtixaamada qaaata way sii badanayaan. Wax ka badan 35,000 ee ardada dugsiyada sare ee Minnesota dhigata ayaa 56,000 oo imtixaam qaatay 2011kii. Iyo in ay jirto in waxa ka badan 66% ee kuwaas ay mutaysteen naatijo gaaraysa saddex (3) ama ka sare.

Yaa Minnesota imtixaamada AP ka qaadanaya?

Waqtiga xaadirka, gabdhaha ayaa kaga badan wiilasha marka imtixaamada AP la qaadanayo (boqolkiiba 54 markii la barbar dhigo boqolkiiba 46 sanadka 2011) iyo in boqolkiiba 13% ardada Minnesota oo idid imtixaanka ka qaatay waa madow , waa sare u kac boqolkiiba 11 marka sanadkii ka horreyay la barbardhigo.

Imisu yahay kharashka ku baxaya?

Maaddooyinka AP waa lacag-la’aan, laakiin kharashka imtixaamka AP waa $87 midkiiba. Minnesota waxay bixinaysaa qayb kharashka imtixaamka AP ee ardada oo idil, iyo in imtixaamada ay qaateen ardada xaqa u leh in la siiyo cuntada lacag-la’aanta/ama qiimaha la dhimay gebiahaantooda laga bixinayo. Dugsiyada qaarkood waxay qaadan ujroyiin lagu kabayo kharashka la xariira agaasimidda kharashka imtixaamka. Lataliyaha dugsigaaga la xariir si aad ku ogaatid ujrooyinka (haddii u mid jiro) ee loo bahaanhaya in aad iska bixiso.

Xaggee ka heli karaa macluumaad dheeraada ee AP ku saabsan?

Guddiga Kulliyadda ayaa maamula barnaamijka Meelaynta Sare. Eyaga ayaa kaa caawin kara:

Waxaad kaloo hubsataa lataliyaha dugsigaaga in aad la xariirto, kaaso ku siin kara macluumaad dheeraada ee aad maaddooyinka AP uga baahantahay dugsigaaga sare.

 
  • Copyright 2012
  • Minnesota Department of Education